Sirdoon isma Sheego… W/Qorey: Yuusuf Garaad

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Waa sheeko dhexmartay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkiis Sergei Roldugin oo ay isla soo koreen. Putin wuxuu ahaa sarkaal ah Gaashaanle Dhexe oo ka tirsan hey’addii sirta ee Midowga Soofiyeeti, KGB.

Midowga Soofiyeeti wuxuu burburay December 1991. Wuxuu isu beddelay 15 dal oo kala madax bannaan oo uu Ruushku ugu quwad weyn yahay. Sidoo kale KGB waxaa beddelay FSK, taas oo 1995 isu rogtay FSB. Putin ayaa madax ka noqday FSB.

Putin saaxiibkiis ay soo wada koreen, Sergei Roldugin ayaa  intuu malahaa ku wareeray waxa uu Putin ka shaqeeyo, waxaa uu damcay in uu kala sheekeysto. Waxay ahayd intii uu Putin ka tirsanaa KGB.

Waxaan ku iri anigu waxaan ahay muusik yaqaan oo waxaan garaacaa Cello. Muusigga sida loo curiyo ayaan aqaan. Adigu maxaad ka shaqeysaa? Wax muhiim ah miyaad ilaalisaa? Dambiilayaa miyaad dabagashaa? Shaqadaadu waa maxay?

Putin wuxuu ku jawaabay Maya. Waxaas anigu shaqo kuma lihi. Waxaan ahay, ayuu yiri, khabiir dadka ku takhasusay. Dabeecaddooda iyo dhaqankooda ayaan darsaa.

Putin markii uu Madaxweyne noqday ayaa nin weriye ahi uu weydiiyay sababta uu sidaa ugula hadlay saaxiibkiis Sergei.

Sergei Roldugin iyo saaxiibkiis Vladimir Putin

Wuxuu ku jawaabay, haddii aad aragto qof sheeganaya in shaqadiisu ay tahay hey’ad sirdoon, ogow qofkaasi wax aan shaqadiisa ahayn ayuu faraha kula jiraa mana ahan in uu hey’addaas sii joogo.

Weriyihii oo su’aalihiisa sii wataa wuxuu yiri, inta aadan guursan, gabadha aad guursan rabtay ma u sheegtay in aad tahay sarkaal KGB?

Wuxuu yiri wakhti badan ma ay ogeyn waxa aan ka shaqeeyo, laakiin markii dambe dabcan waan u sheegay oo waxay dooneysay in ay ogaato qofka ay guursaneysaa waxa uu yahay.

Tagged