Kursi ka mid ah kuraasta beelaha Banaadiriga Aqalka Hoose oo loo wareejiyay magaalada Jowhar

Wararka Maanta

Kursi ka mid ah kuraasta Beelaha Banaadiriga ee lagu waday in lagu doorto magaalada Muqdisho ayaa loo wareejiyay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.
Banaan bax looga soo horjeedo in kursigan loo wareejiyo Jowhar ayaa waxaa maanta ka dhigay magaalada Muqdisho bulshada Carab Soomaali, kuwaasoo ku tilmaamay cadaalad darro.
Kursigan ayaa waxaa ku tartami lahaa Xildhibaan Deyfulah oo kursiga difaacan lahaa iyo C/casiis Saalax Carmaan oo ah wasiir kuxigeenka Beeraha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wareejinta kursigan uu ka dambeeyo Xildhibaan Sanbaloolshe oo galaan gal u galay sidii loo soo wareejin lahaa Jowhar.

Tirada Kuraasta Aqalka Hoose ee ka imaan lahaa Maamulka Hirshabeelle oo ahaa 37 Xildhibaan ayaa hada waxaa lagu daray hal kursi oo ah kursiga Beesha Carab Soomaali