Khayre oo Jowhar gaaray iyo Caleema-saarka Madaxwayne Waare oo biloowday

Uncategorized

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka bilowday munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo madax badan ay ka qeybgalayaan.

Howlgalka munaasabadda ay ka dhacayso waxaa ku sugan Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaannada Labada aqal qaarkood, madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in dhammaan madaxda ka qeybgalay munaasabaddan ay halkaasi hadal ka jeediyaan.

Warkaan wixii la xariira iyo Sawiro goor dhow kala soco Ceelhuur.com insha  Allah