Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Wasiirka Arimaha Gudaha Abdi Farax Juxa Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo dhamaantood ka qayb galaya Caleema saarka Madaxwaynaha Hirshabeellle Ayaa Kulan Gaar Ah Ku Leh Xarunta Madaxtooyada Jowhar.
Kulanka oo ay Saxaafadu dabad-joog ka tahay waxaa la filayaa in looga hadlo Arimaha Khilaafka Maamulada iyo Dowladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Hugaamiyaasha Maamulada kale ayaa la filayaa inay ku biiran kulamada goo gooska ah ee jowhar ka socda.waana kulankii ugu horeeyay ee Masuuliyiintan dhex mara tan markuu khilaafku bilowday.
Madaxwayne Farmaajo ayaa Muqdisho ku Casuumay 28 bishaan dhamaan Madaxda Maamulada waxaana lagu wadaa in lasoo afjaro kala shakiga iyo wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Maamulada Xubnaha ka ah si wadajir loogu qaado duulaanka ka dhan ah Al-shabaab oo Dowladdu iclaamisay.
Hoos ka daawo Sawirada