Khasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacay gudaha Xerada Xalane (Sawirro)

Wararka Maanta

inta la xaqiijiyey ilaa 4 Hoobiye ayaa ku dhacay gudaha xarunta UN-ka ee xerada Xalane Magaalada Muqdisho, waxaa la sheegayaa in Madaafiicdaas ay ku dhaawacmeen 2 qof oo ka tirsan Shaqaalka Qaramada midoobay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey.

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Madaafiicdaas lala beegsaday xarunta Qaramada Midoobay ee xerada Xalane.