Xisaabtii Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir oo la Joojiyey

Wararka Maanta

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka ayaa lagu joojiyay xisaab socotooyinka dowlada hoose ee Muqdisho, waxaana lagu war galiyay bangiyada akoonada uga furan yihiin Dowlada hoose in la joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyada xisaab socotooyinka .

Hanti Dhowraha Qaranka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dowlada hoose ku jirto xiligii baarista sanadlaha, waxaana la hakiyay inĀ  lacaga laga baxo akoonada dowladaha hoose ee Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta maaliyada ayaa .la sheegay in si gaar ah uga socdaan baaritaano la xariira musuq maasuq iyo lacago la isdaba marshay, waxaana hanti dhowrka bilaabay baaritaano xaqiiqda lagu ogaanayo.

Lacago badan ayaa la sheegay in si qaldan looga bixiyay akoonada maamulka gobolka Banaadir, waxaana lacagahaasi la sheegay in sifooyin qaldan loo adeegsaday uuna maamulka ka jawaabi waayay markii la weediiyay halka ay ku baxeen.