Guddiga xaafadda Magaalada Hobyo iyo Ururka Dhalinyarada ayaa maanta ka shiray sidii loo horumarin lahaa Magaalada Hobyo, oo ah Magaalo qadiimi ah oo dib u dhac badan ka soo gaaray colaadihii soo maray. Kullankan ayaa waxaa soo abaabulay ururka Dhalinyarada Hobyo, oo dhawaan doortay hoggaan cusub.
Hoggaanka cusub ee ururka dhalinyarada ayaa dardar ku wada howlaha bilic soo celinta, horumarka iyo gargaarka. Magaalada Hobyo ayaa hadda laga dareemayaa dib u kabasho, waxaana ka socda dhismaha Mashaariic ay ka mid yihiin warshadda kalluunka. Sidoo kale Hobyo ayaa dhawaan yeelan doonta gole deegaan oo soo dooran doona maamulka degmada Hobyo.
Hobyo ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey yeelatay Garoon diyaaradeed oo cusub, dhismaha xarunta degmada, dhismaha dugsiga waxbarashada, dhagax dhiga dekedda, Dhismaha wadada Hobyo-Wisil, Aargada cusub degmada iyo mashaariic kale.