Daawo Sawirada: Sida RW Kheyre loogu soo dhaweeyey Garoowe

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Garoowe Caasimadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee puntland. Mr. Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka.

Garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir Muuse ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo qeybaha Bulshada. Sidoo kale Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa dadweyne farabadan kula hadlay Barxadda Magaalada Garoowe. Kheyre ayaa sheegay in maanta uu dareemayo in quluubta Ummadda Soomaaliyeed meel u wada jeedo.

Xasan Kheyre ayaa la filayaa inuu  booqdo dhowr magaalo oo ka tirsan Puntland, wuxuuna dhagax dhigi doonaa Mashaariic farabadan. Sidoo kale Kheyre ayaa ka qeybgalaya sanadguurada 20aad ee aasaaska Puntland 1 August.

Meelaha ugu muhiimsan ee Ra’iisulwasaaruhu booqan doono ayaa ah Magaalo xeebeedka Garacad, halkaas oo uu ka dhagax dhigi doono dhismaha deked halkaas laga hirgalinayo.