Juxa”Dalka Waa Uu Dayacan Yahay Shacabkuna Way Kala Daadsanyihiin”

Wararka Maanta

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa mudo dhowr bila ah kadib xilka qaadistiisa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay xaalada Dalka soomaaliya.

Wasiir hare Juxa ayaa soo hadal qaaday xaalada amni iyo mida Siyaasadeed ee dalka,isaga oo sheegay in dalku uu dayacan yahay.

“Dalkani maanta sidiisaba waa nugul yahay, waana daalan yahay, dadkiisu siyaasad ahaan iyo amniba waa dayacan yihiin, meel fogna waa laga yimid, dhaqaale ahaanna sabool baanu nahay, kalsoonida shacabkuna way kala daadsan tahay oo kalsooni xumo siyaasadeed ayaa jirta, dadkuna waxay u baahan yihiin isku wad iyo isu dulqaadasho oo fure u ah in meesha la joogo horay looga sii socdo si taa loo gaaro, dalku waa in uu ahaadaa TALO WADAAG”

Mudane Juxa ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxyaabaha looga gudbi karo dhibaatooyinka ka jira dalka oo inta badan shacabku waxyeelo ka soo gaarto.

“Arrimahaas iyo kuwo kaleba si loo gaaro waxaa loo baahan yahay in dalkan uu yeesho dood, taas oo ah dood caafimaad oo dhab ah, xasaasi ah, mararka qaarkoodna xanuun badan, laakiin aan qofaysnayn, aan siyaasadaynayn, aan danaysanayn, balse Soomaaliyaysan, oo mustaqbalka ku wajahan. Taa ayaa loo baahan yahay, taas ayuuna caafimaadku ku jiraa. Labadaa doodood oo kala gadisan iyo afkaartaa kala gadisan dhexdooda ayaa xalka Soomaaliya ku jiraa”

Wasiir Juxa markii xilka laga qaaday ayuu si kulul u weeraray Madaxda dowlada isaga oo sheegay in xilka qaadistiisii uu Idaacadaha ka maqlay.