Farmaajo iyo Kheyre suurtagal ma tahay inay la dagaalamaan Musuqmaasuqa?

Wararka Maanta

MUSUQMAASUQA

Madaxweyne Formaajo Iyo Ra’iise Wasaare Khayre waxey dhowr mar ku celceliyeen in la dagaalami doonaan musuqmaasuq, haddaba suurtagal ma tahay in ay la dagaalamaan?.

Aniga ahaan wey adag tahay in lala dagaalamo maxaa yeeley musuqmaasuqa Soomaalidu  wuxuu ka noqdey dhaqan oo ceeb loomama arko.

Musuqmaasuqa ka jira xafiisyada dowlada ama siyaasiyiinta qaarkood ku dhaqmaan aad ayuu u tira badan yahay ma aha kaliya dhicida hantida qaranka ama qaadashada laaluushka.

Musuqmaasuqa kale ee jira oo in lala dagaalo la doonayo waxaa ka mid ah eexda iyo qaraabo kiilka. In laba qof oo kala aqoon ah kan aqoonta liita in shaqada la siiyo sababta oo ah in aad qaraabo ama saaxiib tihiin.

Musuqmaasuqa waxaa kamid ah in qof ka dhintaa cashuurtii qaranka lahayd adiga oo eegaya dano gaar ah oo qofkaa idiin ka dhaxeeya.

Musuqmaasuqa waxaa kamid ah qandaraasyada eexda iyo qof jecleysiga lagu bixinayo iyada oo tartan furan loo galin.

Musuqmaasuqa waxaa kamid ah deeqaha waxbarashado oo qofkii mudnaa la siinaynin laguna bixinayo laaluush ama qaraabo kiil.

Cadaalad darada taal maxkamadaha ayaa soo galaya musuqmaasuqa. Waxaa kaloo kamid ah mushaaraadka iyo gunnada ciidanka oo si farsameysan loo dhaco iyada oo raashinkii ciidanka la iibsanayo ama mushaarkii ciidamada saraakiil ama shaqsiyaad gaar ah iska qaataan.

Musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya wuxuu noqdey Kansar ku faafey bulshada oo idil oo lala yaabin kan wax musuqmaasuqaya balse inta badan lagu amaano hantida qaranka ee uu dhaceyo.

Ku tagrifalka awooda ayaa soo galeysa in qof danbiila ah xabsiga laga sii daayo iyada oo laaluush ama qaraabanimo loo sii daynayo ama qof aan danbi lahayn loo xirayo si laluush looga qaato.

Musuqmaasuqa Soomaaliya ka jiraa waa mushaakil bulshadeed waxaana xalin kara oo keliya in bulshada Soomaaliyeed ay bedelaaan dhaqanka iyo aragtida ay ka qabaan musuqmaasuqa lana dagaalaan, haddii kale waxaa aad u adkaanaya in la helo dowladnimo shaqeysa ama qaran Soomaaliyeed oo awood leh.

Mushaaraadka ciidamada ama shaqaalaha dowladana wey adkaaneysaa in la bixiyo maxaa yeeley kun qafood oo shaqaale ah mushaarkooda ayaa hal shaqsi lunsanaya! .

Musuqmaasuqa waa aabaha cadaalad darada,  dulmiga iyo maamul xumida. Cudurkaan halista ah ka hortagiisa waa arin u taal bulshada Soomaalida oo idil qof iyo labo wax kama qaban karaan.

Ilyaas Maxamud Xuseen

Cadaado/ Soomaaliya