Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwo dowladda Kenya . Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso , waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka Kenya ayaa maraayay inta u dhaxeysa Buusaar iyo Ceelwaaq . Mid ka mid ah Gawaarida dagaalka ayaa la sheegay in uu qabsaday Qaraxa, waxaana adag helida macluumaadka ku saabsan qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.
Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa gurmad u diray goobta uu qaraxu ka dhacay sidda ay xaqiijiyeen warbaahintra Kenya.
Kenya ayaa ciidamo farabadan waxa ay ka joogaan gobolada Jubadda Hoose iyo Gedo, iyagoo taageera Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, waxaana khasaara badan kasoo gaaraa weerarada ay kala kulmaan ururka Alshabaab. waxaana la xasuusta in kenya 200 askari kaga geeriyoodeen weerarkii ceel cadde, kaas oo weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado ciidamada kenya.