Kulanka dhexmaraya maanta madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxyaabaha ugu waaweyn ee xoogga lagu saarayo waxaa kamid ah arrimo ay horay uga wadahadleen xukuumaddii hore ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa kamid ah
- Duulimaadyada Soomaaliya ee sii mara garoonka Wajeer
2016 markii ay xukuumaddii hore qaadatay go’aan lagu hakinayo qaadka Kenya ee yimaada Soomalaiya, waxyaabihii ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta isla soo qaadeen kadib kulankii 28 ee IGAD, waxaa kamid ah in la fasaxo qaadka, in muddo 3 bilood ah lagu dhammeeyo duulimaadka Soomalaiya ee mara Wajeer, iyo in labada dal yeesheen xiriir ganacsi oo ku dhisan hab faaiido lagu wada qabo, hayeeshee qodobkii ugu welwelka badnaa ee Kenya oo ahaa xayiraadda qaadku markii uu fuliyey qodbadiii kale wax muuqda kama hirgelin, taasna waxa lagayaabaa in ay ku xiran tahay hannanaka siyaasaddaa arrimaha idbadda.
- Ganacsiga labada dal
Ganacsiga labada waddan oo hadda u dhigan hab uu hal dhinac ku qabo faaiido badan, dhinaca kalana uu dhib ku qabo, dhaqan xumo ganacsina u dheertahay ayaa isna kamid ahqodobada xoogga lagu saarayo kulanka labada madaxweyne, ma hubo in ay xukuumadda cusub heshay qoraalada xogaha ku saabsan heshiisyada ay galeen labada dowladeed, balse waxa aan ogahay in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay isu diyaariyeen kulanka labada madaxweyne, iyaga oo muddo ku mashquulsanaa in ay meesha la tagaan macluumaad iyo xog ogaalnimo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyey labada dowladood.
Maalqabeen badan oo kamid ah Soomaalida Kenya ayaa han iyo hammi weyn ka qaba in ay xoolo badan geliyaan Soomaaliya, sida aan ku arkay kulankii madaxweynaha iyo ganacsatad Soomaaliyeed oo dhacay kahor intii aan golaha wasiirada la magacaabin.
Xeerka maalgashiga , kalsoonida lagu qabi karo in dhaqaale badan la geliyo Soomalaiya iyo daahfurnaanta fursadaha ganacsiga ee dalka ka jira oo sheekooyin aan fiicnayn ay ka yaallaan ayaa kamid ah caqabadaha horyaalla hagaajinta ganacsiga iyo maalgelinta ganacsi ballaaran.
Siyaasiyiin badan oo Kenyaan ah ayaa qaba in ganacsiga Kenya ay ugu baahan tahay Soomaaliya uu ku kooban yahay Qaadka iyo xiriirka gobolada Jubbooyinka, sidaas awgeedna ay tahay in xukuumadda Kenya xoog saarto sidii ay duulimaadyada qaadku u nooqn lahaayeen kuwo joogto ah, halka xiriirka jubbooyinkuna uu yahay kan labaad ee ugu muhiimsan ganacsiga, sidaa daraadeed Kenya waxa ay isku deyeysaa in ay ganacsatada Jubbooyinku joojiyaan badeecada ay ka soo daabulaan Xamar, Boosaaso illaa Berbera, taas beddelkeedana ay ka qaataan badeecooyinka dhanka Kenya iyaga oo adeegsanaya dhulka , inkasta oo aan qorshahaasi sanadahan guuleysan Karin haddana waxa ay la tahay siyaasiyiintaas in kunka tallaabo ay ka billaabato hal tallaabo.
Safarkii qarsoodiga ahaa ee Madaxweyne Uhuru Kenyata uga degey Dhoobley laganayaabo in madaxtooyada Soomalaiya ogtahay iyo odoroska sirdoonka socodbadardka ah ee Kenya ee ku saabsan in muddo kadib ay Kismaayo iska noqon doonto gobol ka tirsan Kenya, marka la isu geeyo waxa ay muujinayaan in hanka Kenya ee dhul ballaarsigu weli jooga xilligii uu ingiriisku bixinayay dhul uusan lahayn siinayeyna cid lahayn.
- Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha NFD
Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha gobolka Waqooyi oo ay Kenya maamusho iyo waxa lagayeelayo dib ugu celinta dalkisa hooyo,waa qodob kamid ah kulanka labada madaxweyne, marka laga hadlayo qodobkan Kenya waxa ay haysataa abaal sheegasho weyn oo ay tahay in ay keydka geliso iyada oo madaxda Soomalaiya ugu hambalyeynayaan uguna mahadcelinayana abaalkaas. kaas oo ah kan ugu weyn ee Kenya daliishato marka lagu soo qaado dhinaca isdhaafsiga danaha Soomalaiya iyo Kenya.
Soomalaiya, UNHCR iyo Kenya waxa ay ku jiraan heshiis 3; madaxle ah oo ku wajahan dib u soo celinta qaxootiga Soomaalieed eek u jira xeryaha gobolka waqooyi bari, iyada oo dib u laabshada qaxootigu tahay rabitaan iyo doorasho balse aanay ahayn qasab.
Sidaas awgeed labada madaxweyne waxa ay sii hitiqin doonaan socodsiinta heshiiskaas.
- Dal ku galka
Muwaadiniinta Kenya, marka ay u soo safrayaan Soomaaliya, dal ku galka ama Fiisaha waxa ay ka qaataan garoonka Muqdisho, kadib marka ay dalbadaan, iyaga oo ka faaiideysanaya hannaanka Visas on arrival; oo ah hab qofku marka uu ka soo dego diyaaradda uu gegida ma garoonka uu ka qaadanayo dal ku galka, intaas waxaa dheer in helidda dal ku galka Soomaaliya uu aad ugu fudud yahay kan waddamada kale, taas oo ka duwan marka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay doonayaan in ay u safraan tusaale ahaan Kenya, waxa ay qaadan kartaa haddiiba uu helo muddo bil ah, halka muwaadinka Kenyaanka ay ku qaadan karto ugu badnaan hal todobaad, arrintan iyo sidii ay u noqon lahayd isu dhigan waxa ay kamid tahay waxyaabaha ay ka wada hadlayaan madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
Socdaalka madaxweyne Farmaajo; waa lagayaabaa in uu arrimahan qaarkood dhaqaajiyo, balse dhinaca Kenya kama wada fuli doonaan muddo dhow, hayeeshee hadda caqliga Uhuru ee ku wajahan Soomaaliya waxa uu qabaa dareen iyo soojeed ka badan kii uu qabay 4, sano kahor, taasna waxaa muujiyey ereyadiisii munaasabaddii caleemasaarka oo u muuqday in uu fahmay in aan isdabbaalinta iyo mujaamaladu waqtigan lahayn mustaqbal iyo nolol sii jiri kara.
WQ:Axmed Ciise Guutaale