Waxaa heer gabagabo ah maraya doorashada ka socota magaalada Cadaado, waxaana ka harsan ilaa 7 kursi oo kala ah :
- Saddex kursi Beesha Mareexaan
- Hal kursi Beesha Ceyr
- Hal kursi Beesha Saleebaan
- Hal kursi Beesha Shiikhaal
- Hal kursi Beesha Duduble
Kursiga Beesha Saleebaan/heysow ayaa ah kan ugu loolanka adag, waxaana u sharaxan laba musharax oo kala ah Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo horey ugu fadhiyey kursigaan iyo ganacsade Saabir Nuur Shuuriye.
Waxaana xusid mudan in dhaqankii beesha ay la kala safteen labada Musharax, waxaana maalmahaan socday dhexdhexaadin uu waday madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, si ergo ay ku qanacsan yihiin labada dhinac loo heli lahaa, wada hadal dheer kadib Guuleed ayaa soo jeediyey 12 ergay oo labada dhinac isku hayeen in min 6 ergay keensadaan labada dhinac, inkastoo ay arintaas ay ka biyo diideen garabka Sh. C/qaadir.
Maanta oo la filayey in doorashada kursigaan dhacdo ayaysan suuragalin, waxaana la qorsheynayaa maalinimada beri ah la qabto doorashada kursigaan.
Arinta xusidda mudan ayaa ah in dadka magaalada Cadaado walwal ka muujinayaan in Qalalaase ka dhasho doorashada kursigaan haddii uusan jirin heshiis ka horeeya xiliga doorashada.
Sidoo kale Shaqada gudigga doorshada ayaa gaabis ah, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in kuraasta harsan suurtagal tahay inay waqti qaadato haddii aan la fasixin mushaarka iyo gunooyinka shaqaalaha doorashada oo inta badan ka maqan.
Comments are closed.