Guddiga Doorashada Dadban oo diiday kursiga uu kuguuleystay Xildhibaan Abtidoon yare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban Avv Cumar Maxamed Cabdulle ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku shaaciyay in aan guddiga doorashada heer Federal aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxday doorasho ka dhacday shalay magaalada Cadaado taasoo uu ku guuleystey maxamad Axmed  Abtidoon.

Kursigan oo la sheegay in ay lahaayeen beesha Saleebaan ayaa waxaa ku tartamay labo rag ah iyo dumar iyadoo uu ku guuleystey musharax Maxamed Axmed Abtidoon iyadoo ay la tartameen musharixiinta kale ee Aadan Cismaan Cali iyo Ubax Axmed Warsame. Hase yeeshee kursigan ayaa la filayay in ay ku tartanto Caasho xaaji cilmi iyo haween kale.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa sidan oo kale sabtigii aynu ka soo gudubnay ka soo saaray diidmo la mid ah tan ay ka soo saareen doorashada ka dhacday Cadaado labo kursi oo lagu tartamay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle Kursigaas ayaa waxaa kuguuleystey Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdulaahi Maxamed Nuur wasiiru dowlaha Maaliyada.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada dadban;

received_1173979905983116received_1173979899316450

Comments are closed.