Real Madrid Oo £ 62m Ku Dooneysa David De Gea

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay 70 milyan oo ginni ku dalbato goolhayaha Manchester United David de Gea xagaaga soo aadan.

Kooxda heysata horyaalka yurub ayaa si joogta ah loola xiriiriyay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ay ku dhwaatay inay dhameystirto heshiiskiisa sanadkii 2015.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay mar kale ku laabaneyso De Gea ka hor inta aysan diirada saarin inay kalsooni ku qabaan Keylor Navas, laakiin warbaahinta Spain ee Cadena Ser ayaa haatan sheegeysa inay qorsheynayaan inay dib ugu soo laabtaan 27 jirkaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa si aan fiicneyn ku bilowday horyaalka La Liga, waxaana ay durbadiiba 10 dhibcood ka danbeeyaan Barcelona ka dib 12 kulan .

De Gea ayaa weli ah bartilmaameedkooda ugu sareeya ee suuqa kala iibsiga, inkastoo Madrid ay ka fiirsaneyso doorashooyin kale oo ay ku jiraan Athletic Bilbao goolhayahooda ee Kepa Arrizabalaga.

23-jirkaan oo hal kulan u saftay xulka Spain ayaa la fahamsan yahay in lagu heli doono € 50m (£ 44.3m).