Kenya oo ka cabsi qabta weerarro Al-Shabaab ka gaystaan gobolka Waqooyi Bari

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa ka digtay weeraro ay soo qaadaan xoogagga Al-shabaab oo ka dhaca magaalada Mandera iyo deegaannada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dowladda ayaa sheegtay in ay jirto cabsi la xiriirta weeraro ka dhaca magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya oo dhawaan Al-Shabaab ay weerareen.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira  Weerao kaga yimaada dagaal yahanada Al-Shabaab oo uu ka qatar galo ammaankooda. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan magaalo xeebeedyada dalka Kenya.

Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada Al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale sheegay in Amniga Magaalada Mandera la adkeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay weerareen magaalada Baled-Xaawo.

Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya gaysta Weeraro an kala joogsi lahayn tan iyo markii Ciidamada Dalkaasi gudaha u soo galeen Soomaaliya waxayna sidoo kale weeraro Culculus ku qaadan Ciidanka kenya ee Amisom qaynta ka ah