Jen. Galaal oo ka hadlay Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunna

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Janaraal Maxamad Nuur Galaal ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ay mabda’ahaan isku raaceen in la mideeyo labada maamul isla markaana uu madaxweyne u noqdo Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Janaraal Galaal oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale mabda’ahaan la isku raacay xarumaha hay’adaha dawladda la kala qaado, tusaale ahaan in xukuummaddu ku shaqayso magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb, halka baarlamankuna ku shaqeynayo magaalada Cadaado, Garsoorkana loo wareejiyo magaalada Caabudwaaq.
Janaraal Galaal waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Xaaf oo uu la socdo Sheekh Maxamad Shaakir uu kormeer ku mari doono Dhuusamareeb illaa Matabaan.

Janaraal Galaal oo ka hadlayay ciidamo Galmudug ah oo saaka qabsaday deegaanka Mareergur, waxa uu sheegay inaanay ciidankaasi ka amar qaadan Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay yihiin haraadigii waxa uu ugu yeeray Damjadiid.

Xigasho: Wariye Ibraahin Aadan.. BBC SOMALI.