Wasiirka Isgaarsiinta Galmudug oo daahfuray Barnaamijka isgaarsiinta Dalka (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad ayaa maanta magaalada Cadaado ka daah furay Barnaamijka isgaarsiinta dalka. barnaamijkan ayaa isku xiraya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana looga maarmayaa in loo safro shirarka gudaha dalka.

Waxaana maalgaliyey Bankiga Adduunka (World Bank), Barnaamijkan ayaa laga hirgaliyey Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe. sidoo kale shirkadda Hormuud ayaa ka qeyb qaadatay hirgalinta barnaamijkan.

Waxaa qalab isgaarsiineyd oo casri ah lagu rakibay saddex xafiis oo kala ah, xafiiska wasaaradda Boosatada iyo isgaarsiinta Cadaado, Xafiiska Barlamaanka Galmdug Cadaado, Xafiiska Golaha Wasiirada Galmudug  Cadaado.

Goobta ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin badan iyagoo bogaadiyey howsha fiican ee la qabtay. Wasiir Dubad ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada Galmudug oo uu soo gaaray xarigga Fiber Optica, kaas oo hadda maray Tuulada Dagaari ee gobolka Mudug, wuxuuna gaari doonaa ilaa Magaalada Muqdisho.