Ahlu-sunna oo ku kala qaybsan Wadahadalada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwayne ku xigeenka Ahlu-sunna Cabdulaahi Xirsi Diirshe Daacad oo ka hadlayay Shirka lagu heshiisiinayo Maaamulkiisa Ahlu-sunna iyo Galmudug oo Shalay ka furmay Jabuuti ayaa Dhaliilay Shirka.Daacad waxuu ugu horayn Sheegay inuu soo dhawaynayo tilaabo kasta oo loo maro wado sax ah ee layskugu keenayo Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca balse Shirka Jabuuti uusan ahayn mid wado saxan loo maray.

Prof: Daacad ayaa Sheegay inaan asaga lagu soo war galin kulanka Jabuuti oo Madaxwayne Shaakir uu Jabuuti ku tagay go’aan uusan waxba kala socon xariir uu sheegay inuu la sameeyayMadaxwayne Sheakh Shaakir ayuu sheegay inuusan helin kalsooni buuxda ayaan ku qabnay Madaxwaynaha asaguna sidoo kale balse maaqan waxa soo kordhay labadii isla socotayba haday kala dhuumanayaan maalin  maaqan Ujeedada ayuu yiri Daacad

Mar la waydiyay haduu aqbalayo go’aano lagu heshiiyo oo kasoo baxa Kulanka Jabuuti ayuu sheegay inuusan aqbalayn wax an markii horaba laga tala galin oo dad gooni ah wataan sida uu hadalka u dhigay loona baahan yahay in marka hore wax laysku waafaqay lala tago Shirka Jabuuti.

Hadalka Madaxwayne ku xigeenka Ahlu-sunna ayaa imaanaya ayadoo Shirka Dibu heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna uu garwadeen ka yahay Ururka IGAD waxaana wararku Sheegayan in Dowladda Soomaaliya aysan wax lagu ku lahayn Shirka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Jabuuti ku sugan ayaa la sheegayaa inuu Shirka Banaanka ka joogo waxaana durba soo baxaya dulduleelo laga muujinayo Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu-sunna ee Jabuuti oo lagu wado in biri lasoo gaban gabeeyo

Ceelhuuronline