Daawo: Imtixaanka Fasalka 8aad oo ka bilowday deegaanada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasaaradda Waxbrashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay sanadkan qaadaysa imtixaanka mideysan ee Fasalka 8aad Dugsiga Dhexe.

ilaa 14 Goobood ayaa maanta 18/05/2019 uu ka bilowday imtixaanka, waxaana u fadhiistay arday gaaraysa 2240 arday. imtixaankan ayaa ka dhacaya dhammaan deegaanada Galmudug maamusho.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo wasiirka Waxbarashada Galmudug ayaa si wadajir ah degmada Guriceel uga daahfuray Imtixaanka.

Dhanka kale Agaasimaha waaxda Imtixaanka iyo Shahaada wasaaradda Waxbrashada Galmudug Axmed Xuseen Khayre ayaa imtixaanka ka daahfuray degmada Cadaado, oo ay imtixaanka galayaan 470 arday.

Imtixaanka Mideysan ee fasalka 8aad ayaa maanta si isku mid ah uga furmay  degmooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Cabudwaaq, Dhuusamareeb, Balanbal, Guriceel, Baxdo iyo Godinlabe.