Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Marxuumka ayaa salaadii janaasadu lagula tukaday Masaajidka Madaxtooyada, waxaana janaasada ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Wasiirka Arimaha Gudaha DFS C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Diini, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, sarakiil ciidan iyo Madax kale.
Marxuumka ayaa lagu aasay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana goobtaas lagu sagootiyey Marxuumka, Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaale ayaa lagu xasuustaa hogaamintiisa ciidan, iyo sidii uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.