In ka badan 800 Askari oo ka tagay ciidamada Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

In ka badan 800 oo askari ayaa ka tagay Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) tan iyo markii howlgalka Soomaaliya bilaabmay 2011.
Agaasimaha Xeer-ilaalinta KDF Brigadier Kenneth Okoki Dindi ayaa u sheegay maxkamad ku taala Mombasa in askartii ay uga baxeen ciidamada sababo kala duwan.
Warbixin uu ku dhaartay si loogu isticmaalo caddayn ahaan oo .loo gudbiyay Maxkamadda Mombasa ee Racfaanka, ayuu Brigadier Dindi sheegay in bixitaanka ciidamada uu lahaa saamayn toos ah ee awoodda KDF .

KDF ayaa doonaya ogolaansho maxkamada in la dadajiyo dacwadaha racfaanka dawlada ee ka dhanka ah in lasii daayo 25 -askari ee saldhiga ciidamada badda Mtongwe ee Mombasa.

Maxkamadda militiriga ayaa xiray askarta – oo ka mid ahaa kuwo ka tagay ciidamada KDF si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha amniga ee dibadda mareykanka – kaddib markii lagu helay inay goosanayaan.

Laakiin 21 August sannadkii hore, Justice Martin Muya ee Maxkamadda Sare ee Mombasa ayaa iyaga ka sii daayay, isagoo xukumay in maxkamadaha ciidanku ay si khalad ah dambiga u saartay.

Comments are closed.