Ammaanka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo la adkeeyay iyo banaanbax ka dhan ah oo laga cabsi qabo

Wararka Maanta

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ammaanka Safaaradda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, xilli la sheegayo in banaanbax ka dhan ah dowladdaasi uu abaabulkiisa ka socdo qeybo ka mid ah Magaalada.

Diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ka dalbaday hey’adaha ammaanka Dowladda in la xoojiyo ammaanka halka ay ku taallo Xarunta Safaaradda, xilli laga baqanayo in dad careysan oo banaan baxaya ay jiiraan bar kontaroolada laga galo dhismaha Safaaradaas oo laga dhisay qeyb ka mid ah dhulkii dekaddii hore ee Muqdisho iyo bar ay deganaayeen ciidamada badda Soomaaliya.

Soomaali badan ayaa fikirro kala duwan ka muujiyay kaalinta siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta uu cayaarayo, taasi oo ay ku sheegeen mid wax u dhimeysa madax banaannida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Banaanbaxan ayaa la ogeyn cidda si rasmi ah uga dambeysa, una abaabuleysa, waxaana dhinacya badan ay dalbadeen in la joojiyo dhaq dhaqaaq kasta oo isku soo bax oo ka dhan ah dowladaha Soomaaliya ay la leedahay xiriirka.

Saraakiil amni ayaa ka digay in xilligan banaanbax ka dhaco Muqdisho uu sababi karo dhibaatooyin amni, ayna ka faa’ideysan karaan Kooxda hubeysan ee Al Shabaab, Iiraan iyo dalal kale oo doonaya qalqal gelinta deganaanshaha siyaasadeed iyo midda ammaan ee Soomaaliya, xilli dalku galayo marxalad cusub oo ah doorasho baarlamaani ah iyo mid madaxtinimo.

Banaanbaxani ayaa looga soo horjeedaa faragelinta qaawan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ku heyso siyaasadda Soomaaliya si gaar ah damaceeda deegaannada Maamulka Somaliland uu maamulo ee ay ku jirto dekadda Berbera iyo danaheeda siyaasadeed iyo dhaqaalle ee Koonfurta dalka oo ay ka jiraan deegaannada Maamul goboleedyada u sameysmay hab federaal ah.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa ka dhaadhiciyay dowladdiisa inay taageerto laba musharax si ay u hantaan awoodda dalka Soomaaliya, waxaana dadka Muqdisho ay u arkaan Safaaradda mid aan fulin danaha wadaagga ah ee labada dal.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayey Soomaalidu ku eedeysaa inuu ka faquuqay, kana takooray dadka ku heyb tirsada qabaa’ilada degan Muqdisho iyo hareerihiisa inay fursado shaqo ka helaan Safaaradda iyo xarumaha kale ee Imaaraad-ku ku leeyahay Caasimadda.

Qoraal dhowaan laga helay xarun ku taal magaalada Muqdisho oo la shaqeysa Safaaradda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa muujineysay in aan laga shaqaaleyn Safaaradda qabaa’illada dega Muqdisho, sidoo kale qoraaladaas waxaa ku caddaa ciidamada ay tababareen Imaaraadka aanay ku jirin kuwo ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo dadku ay ku sheegaan inuu yahay nin dabeecad khalafsan ayaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay anshaxa iyo xeerka diblomaasiyadda u degsan, si toos ahna u fara geliyay siyaasadda gudaha iyo qabaa’ilada Soomaalida.

Safaaradda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ilaalo ka haya Ciidan boolis Soomaali ah iyo Calooshood u shaqeystayaal hubeysan oo u dhashay dalka South Africa, lamana yaqaan sharciyadda ciidan ajnabi oo hubeysan oo ka baxsan AMISOM ay ku joogi karaan dalka.

Comments are closed.