Akhriso: Xogtii ugu dambeysay Dagaalka Jawaari iyo Kheyre

Wararka Maanta

Waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay soo ifbaxay mooshin laga keenay Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Mooshinkan  ayaa waxaa wada xildhibaano taageersan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre. Waxaana hadal laga heyn Madaxweyne Farmaajo oo arinta ka ah ogol-diidan.

Sidoo kale waxaa soo ifbaxaya in Ra’iisulwasaaruhu ka awood sareeyo Madaxweynaha marka laga hadlayo maamulka Dalka, isagoo Ra’iisulwaraasuhu iska maamulanayo dhaqaalihii dowladda, Dhanka kale guddiga joogtada ah ee barlamaanka ayaa isku raacay in Mooshinka laga keenay Jawaari uu jaban yahay, madaama la rabay in ay saxiixaan ugu yaraan 92 Xildhibaan. Sidaas oo ay tahay hadana Jawaari ayaa muujinaya kalsooni ah in cod loo qaado mooshinka, balse waxaa arintaas ku adkaatay xildhibaanadii waday mooshinka oo xaqiiqsaday in aysan heli karin 184 xildhibaan oo xilka ka qaadi kara Gudoomiyaha Barlamaanka.

Gudoomiye jawaari ayaa garab ka helay Madasha Horusocod oo heysata in ku dhow 100 xildhibaan, sidoo kale Xildhibaanada Xisbiga Daljir , waana arinta badashay miisaanka ciyaarta, halka taageerayaasha kheyre markii hore ay filayeen in ciyaarta siyaasadeed si fudud ku soo dhamaato.

Kooxda taageersan Jawaari ayaa doonaya in cod lagu kala baxo, iyagoo muujinaya kalsooni ah in ay ku guuleysanayaan dagaalkan siyaasadeed, waana midda keentay in Ra’iisulwasaare Kheyre xirto xarunta barlamaanka , waxaana xarunta Golaha Shacab shalay la wareegay ciidan koofiyo casta iyo ciidanka xasilinta Muqdisho oo Nabad suggid u badan. waa arinta keentay inuu baaqdo kulankii maanta.

Dhanka Beesha caalamka ayaa kasoo horjeestay qalaalasaha siyaasadeed ee uu abuuray Ra’iisulwasaare kheyre, oo u muuqda inuu fulinayo ajande shisheeye, Kheyre ayaa Jawaari ku qoonsaday Eryidii DP World, waxaana arintan banaanka keentay boor isku qariskii Ra’iisul wasaare kheyre. dadka siyaasadda falanqeeya ayaa u arka Xasan Cali kheyre inuu doonayo inuu xaraasho dalka, waxaana tusaale u soo qaadanayaan dhiibistii Qalbi dhagax oo uu ku raali galinayey itoobiya, iyo iibka dekedda Berbera oo uu ka helay dhaqaale farabadan.

gabangabadii khilaafka Barlmaanka ayey u badan tahay inuu sii jiitamo, waxaana suurtagal ah in ay soo faragaliyaan beesha caalamka iyo dowladaha taageera Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dib u dhacay safar Madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa dalka Qatar.

wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com

Comments are closed.