Ciidanka Nabad sugidda ayaa barqanimadii maanta dagaal ku qaaday koox maleeshiyo isbaaro dhigatay duleedka Godinlabe oo 30 km koofur uga beegan degmada Cadaado.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyo hubeysani xalay jidgooyo dhigteen halkaasi, ciidankuna ay sidaas ku weerareen markii ay diideen in ay ka soo wareegaan, Â waxaana maleeshiyadan soo abaabulay ganacsade deyn ku lahaa maamulka Galmudug.
Khasaare dagaalka ayaa la sheegay in uu yahay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale, dhaawacyada ayaa goordhow la keenay isbitaalka guud ee degmada Cadaado, ciidanka Nabad sugidda ayaa la wareegay goobta jidgooyadu taalay.
Godinlabe ayaa waxaa taala bar kontorool oo ay Galmudug canshuur kaga qaado gaadiidka jidka Mara, waa tan keentay in inta badan dadka maamulka Galmudug ka gadoodsan ay jidgooyo dhigtaan halkaasi.
Comments are closed.