12 Ruux oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Mareykanka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciidanka booliiska gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qof careysan oo ka tirsanayaa shaqaalaha wakaalada korontada uu toogasho ku dilay 11 qof oo ku sugnaa dawladda hoose magaalada Virginia Beach ee gobolka Virginia, ka hor intii aanu booliisku toogasho ku dilin qofkii weerarkaas geystay.

Taliyaha booliiska James Cervera ayaa sheegay in qofkii toogashada geystay uu si degdeg ah oo aan kala sooc lahayn xabbad ula dhacay dhibanayaashiisii, isaga oo dhismaha dawladda galay saacaddu markii ay in yar dhaaftay 4tii galabnimo ee shalay.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale. Taliyaha booliiska Cervera oo qofkii weerarka geystay ku sheegay shaqaale cadheysan oo muddo dheer u shaqeynayey wakaaladda korontada, ayaanan bixin faahfaahin ku saabsan magaciisa iyo sababta uu weerarka u geystay.

Maraykanka ayaa 152 maalmood ka tagtay sanadkan 2019 lagu dilay dad ka badan 150 qofood, hubka ayaa lagu iibiyaa suuqa, waana sababta badisay falalka dilka bareerka ah.