Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo kusoo laabtay Cadaado kana hadlay Dagaalka Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Cadaado, Guuleed ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo mas’uuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado waxaa madaxda ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , wasiiro, xildhibaano, siyaasiyiin kale , waxaana madaxdu salaan ka qaateen cutub ka tirsan ciidanka Booliska.

Guuleed oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in safar kooban uu ku tago magaalada Muqdisho uu kula kulmay Safaaradda maraykan, isagoo sheegay in duqeyntii bariga Galkacyo heshiis laga gaaray, Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dagaalkii Galkacyo shalay ka dhacay mid nasiib darro ah, isagoo mas’uuliyiinta Puntland aysan waxba u tareen hadal xanaf leh oo ay sheegaan.

14573010_10206057654359208_7183681654447159201_n 14563362_10206057651959148_3160814810335224965_n14590336_10206057649599089_2000171505213170588_n 14590438_10206057642238905_6552274177845167092_n14517491_10206057647119027_1915436729241835357_n 14642401_10206057618838320_1831573997471685168_n

16 thoughts on “Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo kusoo laabtay Cadaado kana hadlay Dagaalka Galkacyo

Comments are closed.