Agaasimaha idaacadda Codka gobolada Dhexe oo Cadaado lagu xiray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

 

Waxaa goordhow lagu xiray Magaalada Cadaado agaasimaha idaacada codka gobolada dhexe Maxamed maxamuud Aw Aadan, ahna wariyaha Universal TV ee degmada Cadaado, Agaasimaha ayaa hadda ku xiran saldhigga dhexe.

13077000_1101601909886060_4581991404590886739_n

Agaasimaha oo aan khadka taleefanka kula xariirnay ayaa inoo xaqiijiyey in uu u xiran yahay maamulka degmada Cadaado, Arimaha loo xiray wali ma cadda, inkastoo ilo xog-ogaal ah ay inoo xaqiijiyeen in agaasimaha loo xiray arimo isqabsi dhul ku saabsan.

Waa arin ku cusub xarigga suxufiyiinta, inkastoo arintan la sheegay in aysan la xariirin arimo saxaafadeed.

wixii ku soo kordha kala soco www.ceelhuur.net

3 thoughts on “Agaasimaha idaacadda Codka gobolada Dhexe oo Cadaado lagu xiray

Comments are closed.