Aqalka Sare oo maanta ka doodaya arrinta DP World

Wararka Maanta

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay loo qeybiyay Xeerkii ay maalin kahor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaanay shalay u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay xildhibaanada ka hadlayaan heshiiska DP World, go’aan mideysan ay ka qaadan doonaan.

Hadii maanta xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.