Ilhaan Cumar Oo Ka Mid Noqoneysa Congress-ka Mareykanka

Wararka Maanta

Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kamid noqoshada xubnaha Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday.

Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqday Aqalka Congress-ka,islamarkaana kasoo galay dhanka Minnesoto.

Waxa ay ka socotay Ilhaan Xisbiga Dimuqraadiga ah, waxaana la aamisan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Cadaadiska lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa taariikh cusub samaysay, maadama ay noqonayso gabadhii ugu horreeysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah.