Howlgalo Dad lagu soo qab qabtay oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Warta-nabada ee Gobolkan Banaadir, waxaana howlgalkaas lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah waxa ay uga sameeyeen Laanta Barwaaqo ilaa laanta 3aad ee degmada Warta-Nabada, waxaana inta uu howlgalka socday lagu qabqabtay boqolaal dhalinyaro ka mid ah dadka degan xaafadaha howlgalka laga sameeyey.

Dad ku sugan Xaafad ka tirsan Warta-nabada ayaa waxa ay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay la geeyey Saldhig ciidamada Dowladda ku leeyihiin Furayaasha,isla markaana badi lasiidaayey halka kuwa kale ee la tuhmayo saldhigyo kale loo wareejiyey.

Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada faah faahin kama bixin holwgalkaas, hayeeshee waxaa intii uu holwgalka socday tegay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Tallaabaan howlgalka ee laga sameeyey xaafado ka tirsan degmada Warta-nabada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor saldhiga degmadaas loo Magacaabay taliye Cusub oo dhalinyaro ah,kaas oo dadaal ugu jira in uu waxka bedelo amniga degmadaas.