Wasiir Goodax Barre oo raalli galin siiyey Puntland

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raalin galin ka bixiyey hadal uu shalay ka sheegay magaalada Jowhar.

Wasiir Goodax ayaa Puntland ka raali galiyey hadal uu shalay sheegay, kaas oo ah inuu fashilmay imtixaankii dugsiyada Puntland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu khadka taleefanka kula xariiray Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ka dalbaday in wasiirku raali galin ka bixiyo hadalkii uu ka sheegay Puntland.

Horey ayaa maamulka Puntland cabasho uga keeneen kadib markii wasiir Goodax uu sheegay in ardayda Puntland aysan heli doonin shahaadada wasaaradda waxbarshada Soomaaliya.