Hogaamiyihii golaha bad baadada Jubaland oo kismaayo lagu dhaawacay

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dhaawaceen magaalada Kismaayo mid ka mid ah nabadoonada caan ka ah gobolka Jubbada Hoose.Nabadoonkan oo magaciisa lagu sheegay Axmed Jaamac Qalyar, ayaa lagu dhaawacay xilli uu ku sii socday masjid ku yaal magaalada Kismaayo.

Dhaawaca nabadoonka ayaa la sheegay in lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Kismaayo.

Raggii ka dambeeyay dhaawaca nabadoonka ayaa la sheegay inay baxsadeen iyadoo halkaas ay gaareen ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Axmed Jaamac Qalyar ayaa ahaa guddoomiyihii guddigii la magac baxay Badbaadada Jubbaland kaasoo la sameeyey xilligii ay dhacaysay doorashadii Jubbaland waxaana Guddigan uu ahaa mid taabacsan musharaxiintii isbedel doonka ahaa.