Khayre”Xirirka nagala dhaxeeya Maamulada meeshii ugu fiicnayd ayuu marayaa

Wararka Maanta

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  ka hadlay waxa ay qaban doonto xukuumadiisa Sandra Cusub waxuuna sameeyay balanqaadyo dhowr oo hadii ay suuragaal guulo waa wayn noqon doona.

Xasan Cali Kheyre ayaa balanqaadkii ugu cuslaa waxaana uu sheegay in xukumadiisa ay 8 bilood gudaheed ay shaqo ugu abuurtay 5kun oo qof haatana ay sanadka cusub bilowgiisa shaqo u abuuri doonaan dad ka badan 20 kun oo qof. Khayre ayaa sidoo kale xusay markii ugu horaysay inuu arko in Xariirka Dowladda iyo Maamulada Xubnaha uu marayo meeshii ugu fiicnayd loo baahan yahay in la xoojiyo oo halkaas laga sii wado

Sidoo kale RW KHeyre ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay guud ahaan amaanka dalka la wareegi doonto, lana mideyn doono hay;adaha dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.Xasan Cali Kheyre ayaa daaha ka qaaday in Sanadka soo socda laga adkaan doono Shabaab, sidoo kalana ay DFS awood u heli doonto iney dalka wada xakunto.

Mar uu ka hadlayay arimaha dhaqaalaha DFS ayuu sheegay in dhamaan mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowlada laga bixinayo dhaqaalo ay leedahay dowlada oo aan dalal shisheeye laga soo tuugsan.

Maaha markii ugu horaysay oo Ray’iisul Wasaare  Khayre sameeyo balanqaadyo nuucaan u Culculus asagoo Masraxyo bulshadu buuxdo ka jeedinaya Khudbado xamaasadaysan hadana waxaan muuqan in Ficil loo badalo Arimahaas

Ceelhuuronline