Xog-hayaha Golaha Shacabka Oo Sheegay In Uu Buray Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo Laga Keenay

Wararka Maanta

Xoghayaha Golaha shacabka Soomaaliya C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya uu buray.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha ayaa lagu sheegay in mooshinka ay gudbiyeen 92 Xildhibaan, afar iyo toban ka mid ah soo gudbiyeen in laga been abuurtay sidaas darteedna 78 Xildhibaan aysan gudbin karin mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Buux ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku wargeliyay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa sidaasna ku buray.