Gaalkacyo: Taliyihii Ciidanka Isku Dhafka oo ku dhintay Qarax Ismiidaamin ah

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Qarax ismidaamin ah ayaa lala eegtay Taliyaha Ciidanka isku dhafka dowladda Federaalka usoo magacwday gobalka Mudug Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud. Taliyaha iyo laba sarkaal ayaa ku dhintay Qarax ismiidamin ah oo lala eegtay xilli uu joogay meherad u dhow shirkadda Golis ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Jugta Qaraxa ayaa laga maqlay Guud ahaan magaaladda Gaalkacyo ,iyado Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku midaamiyey Taliyaha ,waxaana sido kale jirta Askar ilaalo u ahyd Taliyaha oo iyagana qaraxa ku dhintay. Sido kale waxaa jirra dhawacyo soo gaaray Ciidanka ,waxaana Cisbitaalka la geyeey dhawacyadda ku dhawacmay.

Taliyahan ayaa dhawaan loo magacaabay ciidankaas, Waxaana ciidanka isku dhafka ee uu taliyaha ka ahaa loo aasaasay nabadeynta Galkacyo, oo sanadihii dambe ay dhowr jeer ku dagaalameen Maamulada Galmudug iyo Puntland.