Madaxweyne Xaaf oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Gaalkacyo (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta safar aan horey loo shaacin  ku tagay magaalada Galkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha OSHACO koofurta Galkacyo, Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha Bulshada.

Xaaf Ducaale ayaa garoonka Diyaaradaha OSHACO kulan kula qaatay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka wada hadlay suggidda Amniga Deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho kadib Muddo saacad ah oo uu joogay Galkacyo. isagoo galabta 4:00 PM ka dagay garoonka Aadan Cadde.

Ilo xog-ogaal ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha ay tahay si uu cusbooneysiisto muddada uu ka maqnaan karo deegaanada Galmudug, iyadoo Dastuurka Galmudug dhigayo inuusan Madaxweynuhu ka maqnaan karin Galmudug muddo ka badan 45 cisho.

Arintaan ayaa muujinaysa inuu Madaxweynuhu muddooyinka soo socda uu ka maqnaan doono Galmudug.  Madaxweyne Xaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay laga sugayey inuu tago Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.