Habeen kasta Hal Dayaarad… W/Qorey: Yusuf Garaad

Wararka Maanta

Khamiis 18-kii August waxaan qoraySubax kasta Soddon Dayaaradood. Waxaan uga hadlay tirada dayaaradaha maalin walba yimaada Soomaaliya ee ka soo ambabaxay Kenya iyo tafaasiishooda sida waxa ay sidaan iyo meelaha lagu baaro.

airport outside the window scene

Hadda waa habeenkii. Habeen kasta ugu yaraan hal dayaarad ayaa ka degta garoonka dayaaradha ee Muqdisho iyada oo aan nal ishu qaban karto aanuu u shidneyn dayaaradda iyo dhabbaha ay dayaaraduhu ay ku rooraan midkoodna.

Ma ahan sir aan baaritaan ku helay.  Waa arrin laga ogyahay Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku beegan khadka ay dayaaraduhu ku duulaan iyo xaafadaha garoonka ka agadhow sida Buulo Xuubeey, Xamar Jajab iyo qaar ka mid ah Waaberi iyo Hodon. Xataa dad deggan Wardhiigleey hoose, Boondheere iyo Howlwadaag oo guryhaooda ku maqlay guuxa dayaaradda degeysa habeenkii oo is weydiinaya ayaan arkay ama aan maqlay.

Waxaa soo badanaya is weydiinta dayaaraddaas mugdiga ku degeysaa waxaa ay tahay. Waxa ay siddo iyo waxa ama cidda ay qaaddo.

 

Ilaa arrintaas ay cidi faahfaahin ka bixiso waxaa socon doona su’aalaha ay dadku is weydiinayaan. Waxaa kale oo iyaguna socon doona  jawaabaha ku saleysan mala’awaalka iyo tuhunka oo qaarkood ay gurracan yihiin.

Tuhunkaas gurracani wuu sii xoogeysan karaa ilaa runta la keeno dibadda.

Tagged

Comments are closed.