Waxaan caawa ka taagan magaalada Galkacyo xaalad cabsi ah, dadweynaha ayaa ka barakacaya xaafadaha magaalada, dadka ayaa waxaa lasoo dersay welwel xooggan oo ah in beri ay suurtagal tahay in dagaal culus ka dhaco halkaasi.
Abaabul xooggan oo ciidan ayaa kasocda laba dhinac ee Magaalada, waxaana jabtay xabad joojintii ay odayaashu shalay gaareen.
Magaalada Galkacyo ayaa Marti u noqotay colaad sokeeye oo soo laalaabatay, waxaana galabta ku haya labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Arinta xusidda mudan ayaa ah in xiisadan dagaal ka bilaabatay kadib markii Puntland xaafadaha Garsoor ka bilowday dhismaha garaash xoolaha lagu dajiyo.
Wixii kusoo kordha kala soco halkaan.
Comments are closed.