Xisbiyada siyaasada dalka oo ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed cusub

Wararka Maanta

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa shirar uga socday magaalada Muqdisho Axsaabta Siyaasadda Soomaaliya, iyadoo shirkaas looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Kulamadan oo ahaa mid si xiriir ah ay u yeelanayeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ayaa la isku raacay in la sameeyo Isbaheysi ama Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Xisbiyada oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka ay goor dhow shir jaraa’id wada jir ah ku qaban doonaan Muqdisho.

Xisbiyada ku dhawaaqi doona Isbaheysiga cusub ayaa waxaa ka mid ah Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana la sheegayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in mowjadaha siyaasadeed ee uu dalku galay ay hordhac u yihiin doorashada sanadka 2020/21 oo ay muuqato in xooggaga siyaasadda Soomaaliya ay aad ugu loolamayaan.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Muqdisho dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo arrintan loo aaneynayo tallaabadii dowladda Soomaaliya ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo.