#Dhuusamareeb Dhaqan Yaa ka Raba?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaaladaasi dhib badan ayay soo aragtay laga soo billaabo taliskii ciidanka xilligii ay askartii Sarreeye gaas Maxamed Siciid Xersi Morgan inta qof soo dilaan oo meydkiisa magaalada keenaan naadin jireen yaa yaqaan? balse qof walba inkiri jiray si aan isagana loogu darin.

Jabhadihii, Dagaaladii qolo-qolada, Maxkamadihii midoobay illaa dagaalkii Alshaab iyo Ahlusunna Waljamaaca.

6 sano ayaan joogay inta badan lixdaas sano wixii ka dhacayay waa u soo taagnaa.

Maanta dowlad-goboleedka #Galmudug ayaa joogta, Galmudugna geedo iyo dhagxaan ma aha ee waa dad mas’uuliyad qaatay, Alle horti iyo Bani’aadamka oo og.

Hadda waxa taagan walaac iyo Welwel kajira dhismaha golaha wasiirada Galmudug, waxaana ku lammaansan khilaaf iyo in la isku qabsado xilalka iyo dadka qabanaya.

Waxaana xigta haddii aan xal la helin in laba garab la noqdo oo laba magaalo la kala dego, taasna cid faa’iido ku gaari doontaa ma jirto.

Madaxda laga billaabo madaxweynaha, Madaxa xukuumadda, wasiirada, Baarlamaanka iyo culimada galaangalka u leh talada Galmudug haddii aadnaan Alle ka baqeyn dadkana xurmo u hayn ogaada dadka kama caqli iyo garasho badnidin.

Wax la isku qabto meesha ma yaalliin ee waxa yaal dhib iyo eed ay sabab u tahay shaqada adag ee laga rabo qofkii qabanaya xil maamul goboleed oo maanta jira.

Magaaladaas oo ay muddo ku qaadatay in ay noqoto caasimadda 2aad ee dowlad-goboleedkeedii degto maanta yaan dib loo dhigin iyada oo qof lala raadinayo xil lana illoobayo kumanaanka qof ee beledkaas ku dhaqan iyo Noloshooda.

#Dadweynaha #Dhuusamareeb

Waa ogahay in dhibaatada idin soo martay awgeed aad maahsan tihiin balse haddii aad miiroobi weysaan maanta fursadda taagine sooma noqon doonto.

Madaxda isku haysata xilalka wax kale ka ma qaban kartaane hor istaaga xarumaha maamulka oo muujiya in aadnaan muran kujiri karan intaas kabadan, bal in ay heshiiyaan oo aan qayladooda la maqal.

Mid iska illaaliya in aad la kala safataan siyaasiyiintu, taas waa rabaan idinkana waa dhibkiina, waxba yaan lala kala safan madaxda, haddii ay heshiin waayaan ku caawiya in ay xilka isaga tagaan si nabad ah

Madaxda
Madaxweyne #Xaaf
Madaxa Xukuumadda Sh. #Shaakir
MW ku xigeenka. #Carrabey
Guddoomiyaha Baarlamaanka #Casir
Ruuxiga Ahlusunna #Macalin Maxamuud

Waarimeysaan waana ogtihiin ee laba kala doorta
1: In aad talada ka degtaan adinka oo sharaf iyo karaamo leh, la idin jecel yahay, markii aad dhimataana la idin soo duceeyo haddii la doonana la siyaarto qubuurtiina alla bari

2: In aad talada ka degtaan adinka oon xushmad lahayn, la idin neceb yahay, Dakano iyo Eed idin taallo bulshada dhexdeeda

Haddii aad midda hore oo aan idin la jecelahay rabtaan maanta kutaliya oo horseeda wax aad mahadisaan dadka iyo gobolkuna mahadiyaan, kuwa dhalan doonana dhaxal iyo hanti u noqda

Haddii aad midda labaad rabtaan ama aad u dhaqmeysaan sidii ay u dhici lahayd kuwada sida ay hadda ku socoto oo ah in xilalka la isku qabsado ogaadana malagga mowdku muddo ayuu leeyahay, Rabbina idin ma mooga.

#Aqristaha

Ha ila dagaalin haddii ay ku dhibto aragtideydu, Dhuusamareeb ayaan dhaqan ka rabaa sababta oo ah dad iyo duunyo ayaa iga jooga magaaladaan.

W/Qorey: Axmed Ciise Guutaale

1 thought on “#Dhuusamareeb Dhaqan Yaa ka Raba?

  1. Waa fariin cajiib muujinaysana i fafaale muuqda oo aan wanagsaneen
    Koley wixii talaa qofkanba dhiibay meshasna waxay lahuursanthy oo horay ugu socon la dahaay ayaa mesha ku jira

Comments are closed.