Gudoomiyihii G. Banaadir Eng. Yariisow oo geeriyooday

Wararka Maanta

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar, halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii  ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

Eng. Yariisow ayaa soo qabtay wasaaradaha Lacagta iyo warfaafinta, waxaana uuna ka yimid UK oo uu ka mid ahaa qurbojoogta dalka kusoo laabtay.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Isha: Sonna