Home > Wararka Maanta > Guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar bambaano

Guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar bambaano

Wararka Maanta

 

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey Allaha unaxariistee Muxumad Sugaal Cismaan  oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga maamulka gobolka Sh/dhexe iyo wiil uu dhalay.

Lama oga illaa hadda qaraxa waxa uu ahaa iyo weliba ciddii ka dambeysay,waxana guriga uu qaraxu ka dhacay booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Sh.dhexe.

Waa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar muddo bil gudaheed ah.