Xal laga gaaray xiisadii ka aloosnayd Boosaaso

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ku dhawaaqay in xal laga gaaray xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xiisada oo dhalisay dhimashada hal askari iyo dhaawaca laba kale, ayaa ka danbeysay kadib markii Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Punttland iyo maleeshiyo beeleed laga hor-istaagay inay gudaha u galaan Boosaaso.

Wasiir Dhabancad ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadaalo ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada gobolka uu sabab u noqday in arrintan xal laga gaaro, iyadoo la isla qaatay inay dib fariisimohoodii ay ugu laabtaan Ciidankan.

Ciidankan waxaa hoggaaminayay nin lagu magaaabo Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa waxaana tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, isagoo ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Xiisada ka jirtay magaalada Boosaaso ayaa ka dambeysay kaddib markii qandaraas lagala laabtay Shirkadda PDG oo tan iyo sanadkii 2011 heysatay saadka iyo taakuleynta Ciidamada Badda Puntland ee PMPF.