Gudiga Doorashooyinka: Waxaa naga go’an iney Soomaaliya ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah

Wararka Maanta

Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo xusul duub ugu jira sidii ay ku dardargelin lahayeen howlaha hor yaala maadaama looga fadhiyo iney u gogol xaaraan doorashooyin lagu diirsado si looga xoroobo Odayaasha dhaqanka oo gacan xoogan ku lahaa soo xulitaanka xubnaha Baarlamaanadii Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000 ayaa kulamo wadatashi ah la sameeyey qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho.

Waxa kulanka lagu casumey saraakiil ka kala socota bahda Waxbarashada gaar ahaan Jaamacadaha iyo Qeybta Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada, Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, Ururada Bulshada Rayidka, Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaantasi iyo xubno ka socdey qaar ka mid ah Wasaaradaha DFS .

Ujeedka kulanka ayaa ahaa la tashiyo ay Gudiga Madaxa banaan ee Doorshooyinka Qaranku la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan wacyigelinta la doonayo in lagu baraarujiyo shacabka ee ku nool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka si ay qof walba oo qaangaar ah uga qeyb qaadato doorashooyinka la qorsheeyey sanadka 2020-ka kuwaas oo lagu balamay iney noqdaan qof iyo cod.

“Anigoo ku hadlaya magaca Gudiga Madaxa banaan ee Doorshooyinka Qaranka Waxaan soo dhoweynaynaa qodobadii kasoo baxay shirkii Amniga Qaranka ee Baydhaba ay ku gaareen Hogaamiyaasha Soomaaliya halkaas oo lagu gudoonsadey iney Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadaka 2020” sidaa waxaa tiri. Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorshooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaciil (Xaliima yareey). Waxay intaa ku dartay.

“Inagoo go’aanka Baydhaba ka duuleyna ogna dhibatooyin badan oo nagu hareereysan oo caqabado xambaarsan ayaa waxaa naga go’an inaan raadino xuquuqda aasasasiga ah ee muwaadinka Soomaliyeed taasoo ah in aan tusno inuu xaq u leeyahay inuu codeeyo oo uu qof doorto ama isaga la doorto”.

Dad badan ayaa walaacsan suurtagalnimda doorasho qof iyo cod ah iyadoo maanka lagu hayo in aanu wanagsaneyn Amaanka Soomaliya, mar ay arimahas ka hadleseyna waxay tiri.

“Dhibaatooyinka Amniga waan la soconaa oo ma dafireyno laakiin waxaad ogataan iney doorasho ka dhacday dalal badan oo ay dhibatooyoin badani ka jiraan waxaana ka mid ah Ciraaq, Afgaanistaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, kama liidano wadamadaas mana dooneyno inaan hal saac dib u dhacno”.

Kulanka oo afkaar badan la isku weydaarsadey waxaa gudiga loo soo jeediyey iney Wacyigelinta badiyaan oo ay gaarsiiyaan dadka oo dhan intii suurtagal ah iyagoo adeegsanaya warbaahinta sida Wargeysyada, Raadiyaha, Telefishinada iyo Baraha Bulshada, waxaa kaloo loo soo jeediyey iney door wanagsan siiyaan Culimada maadaama ay dad badan wax ka dhaadhicin karaan gudiguna wa ay garowsadeen arimaha loo soo jeediyey.

Kulanka oo lagu soo qaaday qiimaha ay Waxbarashada Madaniga ah (Civic Education) leedahay ayaa waxaa bahda Waxabarashda sida jaamacadaha iyo Dugsiyada sare iyo dhexe loo soo jeediyey iney door fiican ka ciyaaraan sidii ay Ardayda u bari lahaaheen Civic Education ama Waxbarashada Madaniga ah, waxaa kloo Bahda Manaahijta lagu booriyey iney Civic Education kusoo daraan manhajyada ay diyaarinayaan si wax badan jiilka Cusub loo baro.

Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo hore u booqday 14 Magaalo oo Soomaaliya ka tirsan iyo 6 Magaalo oo debedda ah oo ay Soomaalidu ku badan yihiin hadana qorsheynaya iney u gudbaan Gobolada dalka si ay latashiyo Wacyigelinta ku saabsan ula soo yeeyaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey sida ay uga go’an tahay iney Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro Sanadka 2020-ka.

WQ. Cabdi Naasir Iidle.