Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Galmudug oo lagu Dhawaaqay

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kadib kulan maanta Cadaado ku yeesheen Baarlamaanka ayaa War qoraal ah oo uu soo saaray Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Axmed Yuusf Xasan (Ciyoow) lagu magacaabay Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Galmudug oo ka kooban 13toban Xubnood oo ka tirsan isla Baarlamaanka Maamulkaas.

Magacaabista Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Galmudug ayaa imaanaysa ayadoo Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG  ee Galmudug ay haraysay Xasilooni daro Siyaasadeed oo ka dhex taagan Madaxda ugu Saraysa Maamulkaas waxaana Baarlamaanku ku dhawaaqeen in ay Xilka ka qaadeen Mdaxwayne Xaaf oo an arintaasi aan aqbalin ilaa waqti xaadirkaan

Khilaafka Siyaasdeed ee Madaxda Galmudug ayaa yimid kadib markii Xaaf ka hor yimid mowqifkii Dhex dhexaadnimo ee Dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka Wadamada Khliijka oo uu taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaana  ka hor yimid  go’aankiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug

Isku dayo lagu qaboojinayay Xiisada Siyaasadeed ee Madaxda sare ee Maamulkaas ayaa dhicisoobay Waxaana muuqata in hadii xaalka Galmudug saan sii ahaado in ay Cadaado  marqura kulmin doonto labo Madaxwayne oo ay yeelato Galmudug

Hoos Ka Akhri waraada lagu magacaabay (DDMG)

Ceelhuuronline