Ceynte oo Iska Casilay Safiirnimadii UK ee Soomaaliya

Wararka Maanta

C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo horay u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomalaiya ayaa sheegay inuu iska casilay xilka Safiirka Soomaaliya ee UK.

Mr Ceynte oo xilkan loo magacaabay bishii May ee sanadkan, ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo ka mid ahaa saddex Danjire oo uu Madaxweynuhu magacaabay.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in sababaha is casilaada Ceynte ay salka ku heyso in aan laga soo aqbalin magacaabidiisa, waxaana hadii la aqbali lahaa waraaqadiisa aqoonsiga ka guddoomi laheyd Boqorada UK.

Sidoo kale Mr Ceynte ayaa la sheegay in markii horeba uusan ku qanacsaneyn xilka Safiirka UK, waxaana uu raadinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, balse ma aanu ku guuleysan.

Waxaa kaloo magacaabidiisa UK loo arkayay mid lagu fogeynayay, maadaama uu ka mid ahaa shaqsiyaadka saameynta ku leh arrimaha siyaasada gudaha, kana mid ah Xisbiyada siyaasada ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u magacaabay Saddex Safiir oo kala ah Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo loo magacaabay Jaamac Ceydiid oo ka mid ahaa raggii wax ka maalgeliyay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo Abuukar Baalle oo ah saaxibka Madaxweynaha oo isna loo magacaabay Qaramada Midoobey.

@Jowhar.com