G/Sare Saadaq Cumar oo loo magacaabay Taliyaha NISA Gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Gaashaanle Sare Saadaq Cumar Xasan ayaa goordhow loo magacaabay Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran Qeybta Gobolka Banaadir.

n3

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa G/Sare Saadaq loogu magacaabay jagadaas, Mr. Saadaq ayaa labadii sanoo ugu dambeysay ahaa Taliya NISA qeybta Galmudug.

Waxaana la filayaa in dhawaan sarkaal kale loo soo magacaabo NISA qeybta Galmudug, Saadaq Cumar ayaa saaxiib dhow la ah Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaana horey usoo wada shaqeeyeen 2014 kii.