Baarlamaanka labada Aqal oo kulan Deg Deg yeelanaya iyo Madaxwayne Geelle oo hortagaya

Wararka Maanta

Maanta oo axad ah ayaa la filayaa in Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Soomaaliya ay Magalada muqdisho ku yeeshaan kulan deg deg ah, maadaama Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xiran yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Kulanka oo lagu qabanayo Xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye  ee Magalada Muqdisho,waxaana Ajandaha Kulanka uu yahay hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in xalay lagu wargeliyey inay soo xaadiraan kulanka deg dega ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada furitaanka kulanka Baarlamaanka ee uu ka qeyb galayo Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana Maanta aad loo adkeeyey amniga Guud ee Magaalada Muqdisho,waxaana Madaxweynaha Jabuuti uu sidoo kale Maanta xariga ka jari doonaa Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.