Goormee dhacayaa kulanka ugu horeeya ee Barlamaanka cusub?

Wararka Maanta

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka
iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer
Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada
Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee
Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo
qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda
munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka December ayaa waxaa
kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney
doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa
noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo markaasina la go’aamin doono
xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah
Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.